Acmaasha Wanagsan ee aad Sameyn Laheyd Tobanka Dhaxe ee Bisha Ramadaan
Inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, Soonka ayaa ka mid ah cibaadada ugu muhiimsan ee ay sameeyaan dadka muslimiinta ah. Soonka waxa lagu tiriyaa fursad lagu gaaroo u dhawaanshaha Alle, iimaanka oo kordha iyo cibaado badan. Sidoo kale bisha Ramadaan waxaa loo arkaa fursad isbedel iyo wanaajin lagu sameeyo xiriirka Eebbe. Waxaa muhiim ah in aan ka faa’ideysano bishan barakeysan si aan u towbad keeno, dambi dhaaf u helno, dhaqankeena iyo akhlaaqdeenana wanaajino.
Cibaadada shakhsi ahaaneed ka sokow, waxaan sidoo kale ka qaybqaadan karnaa sadaqada iyo wax bixinta inta lagu jiro Ramadaanka. Waxaan u caawin karnaa masaakiinta oo waxaan u qaybin karnaa cunno kuwa sooman, waxaana taageereynaa mashaariicda samafalka ah ee ka qayb qaadanaya horumarinta nolosha. In aan ku dadaalno oo aan u adeegno dadka kale bishan barakeysan waxa ay kor u qaadaysaa u dhawaanshaha Alle, waxa ayna kor u qaadaysaa wada shaqaynta iyo wada jirka bulshada dhexdeeda.
Ha ilaawin sidoo kale muhiimadda ay leedahay in aad waqti la qaadato qoyska iyo asxaabta bishan barakeysan ee Ramadan. In aan wakhti la qaadano kuwa aynu jecelnahay waxa ay xoojineysaa xariirka qoyska iyo bulshada, waxa ayna ka qayb qaadanaysaa dhismaha jawi farxadeed iyo walaaltinimo. Waxa kale oo aan wakhtigan u isticmaali karnaa in aan khibradaha, aqoonta, iyo waayo aragrimo is dhaafsanno kuwa kale, oo aan kor u qaadno xariirka iyo isfahamka bulshada dhexdeeda. waxaa sidoo kale muhiim ah in aan badino aqrinta Qur’aanka kareemka oo badino cibaadada Alle.
Isku soo wada duuboo, bisha Ramadaan waa fursad dahabi ah oo xagga ruuxiga ah iyo horumarka bulshada, lana kordhiyo isu-dhowaanshaha Eebbe iyo midba midka kale. Aynu bishan uga faa’iidaysano sida ugu wanaagsan si aynu horumar iyo dib-u-habayn ugu samayno nolosheenna iyo bulshadeenaba.
”اللهم تقبل صيامنا وقيامنا، اللهم اعتق رقابنا من النار، اللهم واجعلنا فيه من المستغفرين، اللهم واجعلنا فيه من عبادك الصالحين القانتين، اللهم اجعلنا فيه من أوليائك المقربين، اللهم جود علينا بلطفك وكرمك”